Himilo – Sida laga soo xigtay warbaahinta dalka Shiinaha, 58 jir nadiifiya wadooyinka ayaa lagu tilmaamay in uu yahay halyeey kaddib markii uu 27 kun oo doolar ugu deeqay carruurta saboolka ah 30-kii sanno ee la soo dhaafay.
Mr Zhao oo mushaar ahaan u qaata 300 doolar bishii ayaa nadiifiya wadooyinka magaalada Shenyang ee katirsan gobalka waqooyi bari Shiinaha ee Liaoning.
Ninkan ma iibsan wax dhar ah muddo 30 sanno iyadoo noloshiisa tahay mid uu u hibeeyay daryeelka carruurta saboolka ah.
Aabaha Zhao ayaa dhintay isaga oo yar, waxaana hooyadii ka xannuunsaneyd madaxa taasi oo keentay in uu ku tiirsanaado naxariista dadka kale.
Waxa uu yaqaanaa waxay tahay saboolnimada iyo caawinta uu kala kulmay dadka tuulada, waana sababta uu u go’ansaday in uu garab u noqdo carruurta saboolka ah.
“Waxaan ahaan jiray sida carruurtan, ma heysan wax igu filan oo aan cunno, “ayuu yiri Zhao.
Qoyskiisa ayaa markii hore fahmi waayay dhaqanka ninka ee ah in uu inta badan lacagtiisa ugu tabaruco masaakiinta laakiin waxay markii danbe garowsadeen naxariistiisa.