Himilo- Qoys Mexican ah ayaa lagu qabtay qiyaano kadib markii kaamirada laga arkay iyagoo saxankii ay wax ku cunayeen dhax-dhigaya baranbaro si ay lacagta raashiinka u diidaan bixinteeda.
maqaayad ku taal dalka Mexico ayaa muuqaalka qoyskan soo galisay baraha bulshada iyagoo sameynayo qiyaano ay uga baxsadaan bixinta lacagta rashiinkii ay cuneen, taas oo keentay in dhowr maqaayadood oo ay horay ugu soo sameeyeen mid lamid ah qiyaanooyinkan ay iyaguna dib u fiiriyeen kaamirooyin-kooda.
Qiyaanada ay sameynayeen waxay aheyd inay raashiinka cunaan illaa inta ay kagaarayaan inta ugu dambeysa ee saxanka kadib ay dhaxdhigayaan baranbaro ay wateen, kadib waxay u goodinayaan shaqaalaha maqaaxida iyagoo ku doodaya inay buuqsaneyn doonaan, ilaa maqaayadda ay ku qasbanaato inay ka dhaafto biilka. Maamulka maqaayada inay arinta hoos u dhigaan si ay uga fogaadaan fadeexad.
Muuqaalka waxaa ka soo muuqday qoyska oo ka kooban afar qof waxay dalbadeen raashiin qaali ah oo lacag badan ay uga bixi laheyd, balse goor dambe oo ay raashiinkii dhamaad ku dhowyahay, haweeney qoyska kamid ah ayaa boorsadeedka ka soo saartay baranbaro kadib waxay ku qabatay farkeetadii ay rashiinka ku cuneysay, waana halka uu ka bilowday qorshada ay lacag bixinta uga dhuumanayaan.
Markii muuqaalku si weyn ugu faafay internetka, waxaa soo baxay dhowr maqaayad oo qoyska ku eedeynaya inay sidan oo kale u qiyaaneen.