Home / Macluumaad / Lamaanayaal xafladooda arooska ku dhigtay meel ku dhaw foolkaano

Lamaanayaal xafladooda arooska ku dhigtay meel ku dhaw foolkaano

Himilo – Lamaanayaal u dhashay Philippines ayaa ku adkeystay inay ku dhigtaan xafladda arooskooda meel ku dhaw folkaanaha Taal sida laga soo xigtay warbaahinta dalkaasi.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay lamaanayaasha Chino iyo Palomar oo arooskooda uu ka dhacayo meel aan ka fogeyn qiica folkaanaha Taal ee gobalka Cavite.

Randolph Evan oo ah sawir qaadaha xafladda ayaa sheegay in jawiga uu degganaa isaga oo yiri “Inkasta oo uu jiray qiic ka imaanayay xagga foolkaanaha haddana jawiga waa uu degganaa.”

Foolkaanaha Taal ayaa la soo warinayaa in uu xooggeystay labo saacadood kahor inta aysan bilaaban xafladda.  Qiiciisa ayaaa soo gaarayay meel aan ka fogeyn goobta xafladda.

Dadka adeegsada baraha bulshada ayaa si weyn uga fal-celiyay dhacadada oo layaab ku reebtay dad badan iyaga oo ammaanay dhiirranaanta lamaanayaasha.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan