Himilo FM – Labo haween ah iyo seddax rag ah ayaa lagu xiray magaalada Sharjah ee dalka Imaaraadka Carabta kaddib markii lagu helay inay si sharci darro ah ku kala iibsadeen dhalaan yar.
Haweeneyda cunugga dhashay oo ka soo jeeda dalka Indonesia ayaa daganeyd qeybta seddaxaad ee dabaq ku yaalla magaalada Sharjah, waxayna awoodi wayday inay iska bixido kirada muddo hal sanno ah.
Waxaa lagu qasbay inay cunuggeeda si sharci darro ah ku iibiso si ay kirada isaga bixido sida uu qoray wargeyska Al Roeya. Hooyada iyo seygeeda waxay isku afgarteen inay wiilkooda ku iibiyaan Dh 500-oo u dhiganta $136.12
Heshiisku waxuu ka dhacay agagaarka wadada King Faisal, booliiska waxaa soo wargaliyay hooyada dhashay cunugga kaddib markii wiilkii laga qaatay iyadoo aan lacagtii la siinin.
Booliiska magaalada Sharjah ayaa ku guuleystay inay soo qabtaan oo ay xiraan falkan dadkii ku kacay kahor inta aysan dalka ka bixin.