Home / Macluumaad / Lamaane 41-sanadood oo ay wada socdeen kadib ugu danbeyn is guursanaya

Lamaane 41-sanadood oo ay wada socdeen kadib ugu danbeyn is guursanaya

Texas, USA – Lamaane ku sugan gobalka Texas ee Maraykanka ayaa ugu danbeyn guri u wada hoyday kadib markay wada sheekeysanayeen muddo 41 sanadood ah.

Bill iyo Linda Bownds ayaa is bartay sanadkii 1975-kii markii ay kala jireen 31 jir iyo 30 jir.

Waxay si jaceyl ku dheehan yahay iskula joog jireen taniyo markaas. Hadda wada qaadashada muddo 41 sanadood oo shukaansi iyo is-afgarad ah kadib, Bill wuxuu dhulka dhigtay jilbaha isaga oo Linda weydiistay inuu guursado.

Hooyada 96-jirta ah ee Bill, taas oo ka qeyb-gashay arooskooda, ayaa sheegtay in bilowgii xiriirkooda ay waligeedba ogeyd inay isku danbeyn doonaan.

Si kastaba, waxay sheegtay inaysan isku dayin inay wiilkeeda ku tirtirsiiso inuu guur ka dalbado Linda.

Bill wuxuu tilmaamay in saaxiibada iyo xigtaduba ay la yaabeen maqalka ah in isaga iyo Linda ay ku dhawaaqeen guurkooda oo ay ugu danbeyn aqal-galayaan.

Markii Bill la weydiiyay sababta uu usoo dedejin waayay guurkooda, wuxuu yiri: “Jawaab fiican uma hayo weydiintaas.”

Soo jeedintan ayaa timid kadib markii labadooduba ay howl-gab noqdeen – wada qaateenna waqtiyo badan.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan