Home / Arrimaha Bulshada / Lamaane ka shaaciyay qorshaha guurkooda meel fagaare ah oo la xeray!

Lamaane ka shaaciyay qorshaha guurkooda meel fagaare ah oo la xeray!

Himilo FM –Booliiska dalka Iiraan ayaa xeray labo qofood oo sheeko wadaag ah kaddib markii qorshaha guurkooda ka shaaciyeen suuq weyn oo ku yaalla deegaanka Arak ee katirsan magaalada Tehraan.

Waxay tallaabada booliiska ka danbeysay markii muuqaal la soo dhigay baraha bulshada uu muujiyay labada qofood oo ku dhawaaqaya qorshaha guurkooda gudaha suuq weyn oo laga tukaameysto.

Inkastoo aan si rasmi ah loo oggeyn xilliga dhacdada haddana muuqaalka ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada maalintii Jimcada.

Muuqaalka yar ayaa tilmaamaya ninka oo gabadha u bandhigaya qorshihiisa guurka iyadoo ka aqbashay, waxaana isqabsaday sacab ay sameynayeen dad ku soo xoomay goobta.

Lama shaacin magaca ninka iyo gabadha midna.

Booliiska ayaa sheegay sababta xariga labada qofood, waxay xuseen in dhaqanka nuucaasi ah uu yahay mid kahor imaanaya diinta Islaamka islamarkaana ka dhan ah dhaqanka wanaagsan ee dalka uu leeyahay.

Warbaahinta Iiraan ayaa qortay in mar danbe damaanad lagu sii daayay labada lamaane.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan