Home / Macluumaad / Lamaane kala aamusnaa muddo 20 sano ah oo ugu danbeyn wada hadlay

Lamaane kala aamusnaa muddo 20 sano ah oo ugu danbeyn wada hadlay

Muqdisho – Da’yar geesi ah ayaa ku guuleystay inuu dib isugu keeno labadiisa waalid kadib markii aabihiis uu diiday inuu la hadlo hooyadiis muddo 20 sanadood ah.

Otou Katayama oo u dhashay dalka Japan ayaa ugu danbeyn la hadlay afadiisa 20 sano kadib markii ay maalin kula hadashay hadal qalbigiisa nabar ku noqday.

Otou ayaase ahaa mid guriga kula nool afadiisa Yumi iyo saddaxdooda carruur kuwaas oo hadda koray.

Sanado badanba, Yumi ayaa isku dayi jirtay in dib uu seygeedu ula hadlo oo ay si niyad leh ula wada noolaadaan ilmahooda. Si kastaba, waligiis uguma jawaabin wax ka badan madax rux iyo baaq.

Wiilka lamaanahan oo 18 jir ah laguna magacaabo Yoshiki ayaa ugu danbeyn go’aansaday inuu soo fara-geliyo aamusnaanta aabihiis kala dhaxeysa hooyadiis.

Wuxuu la xiriiray koox leh barnaamij laga daayo fogaan-aragga isaga oo kaalmo weydiistay. Yoshiki wuxuu sheegay inuusan waligiis arkin aabihiis oo la hadlaya hooyadiis ama iyaga oo wada sheekeysanaya.

Soo saarayaasha barnaamijka fogaan-aragga ayaa labadan lamaane kulan ugu qaban-qaabiyay beerta raaxada halkaas oo ay wada hadalkii ugu horreeyey ku yeesheen – kaamirooyinka ayaa la arkayay iyada oo odaygu uu dibnaha u kala qaadayo afadiisa si uu ereyga koobaad uga soo bixiyo afkiisa.

Carruurta labbadan waalid oo taagnaa meel u dhow waalidkooda ayaa farxad la ooyay markay arkeen aabahood oo la hadlaya hooyadood.

Otou ayaa hadalka ku bilaabay: “Waxaa laga joogaa muddo inan aniga iyo adigu wada hadalno.”

“Waan ogahay,” ayay tiri afadiisa iyada oo faraxsan – sugeysana inuu wax badan sii yiraahdo.

“Waxaad waqti adag kusoo qaadatay korinta ilmaheenna, waana la socday middaas. Waxaan rabaa inan ku sheego inaan aad kaaga mahad-naqayo wax walba oo aad sameysay,” ayuu yiri Otou.

“Anigaba aad ayaan kuugu mahad-celinayaa,” ayay ugu warcelisay.

Otou ayaa kadibna afadiisa u sheegay inuu jecel yahay inuu in badan lasii hadlo. “Waxaan jeclahay inan waxyaabo badan ku iraahdo. Waan filayaa hadda kadib waan wada shaqeyn karnaa.”

Otou hayeeshe wuxuu ugu danbeyn qirtay inuu ka maseersanaa dareenka xad-dhaafka ee afadiisu siinaysay carruurtooda oo uu inyar ka heli waayay.

Isha: Radiohimilo.so

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan