Home / Habka-Nolosha / Lambert: “Waxan jeclan lahaa in Pochettino uu leyliyo xulka England.”

Lambert: “Waxan jeclan lahaa in Pochettino uu leyliyo xulka England.”

Muqdisho – Weeraryahankii hore ee kooxda Southampton, Rickie Lambert ayaa sheegay inuu jeclaa in macalin kooxda Tottenham Mauricio Pochettino uu mustaqbalka leyliyo xulka qaranka England.

Lambert oo shaqada kaga fariistay da’da 35 jirka horraantii bishan ayaa ka hoos ciyaaray macalin Mauricio Pochettino muddo 18 bilood ah kadib markii uu xilkeeda qabtay sanadkii 2013-ka.

Pochettino ayaa haddana usii gudbay leylinta kooxda Tottenham bishii May sanadkii 2014 – halka Lambert  uu isna u dhaqaaqay dhinaca Liverpool kadib markii laga mid dhigay ciyaartoyda xulka u metelaya koobka adduunka.

Isaga oo la hadlayay saxaafadda, Lambert wuxuu sheegay inuu jeclaan lahaa in macalinka Tottenham uu mustaqbalka leyliyo England.

“Waa fariid,” ayuu yiri Lambert. “Dabeecad ahaan wuxuu u sameysan yahay maareynta xirfaddan.”

“Waxaan jeclaan lahaa isaga oo leyliya xulka England. Haddii ay jirto fursad FA u heli karaan mustaqbalka, waa inaysan dayacin.”

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan