Himilo – Tababaraha Chelsea Frank Lampard ayaa shaaciyay in uu doonayo in uu cayaaryahanno cusub ku soo daro safka koowaad ee kooxda.
Inkasta oo xannibaad laga saaray suuqa balse mar danbe laga qaaday haddana Chelsea ayaa ku guuldareysatay inay qaadato saxiixyo cusub bartamaha ol-olahan.
Si kasta, iyada oo lala xiriirinayo Philippe Coutinho iyo Timo Werner, Lampard ayaa tilmaamay in uu qorsheynayo in cayaaryahanno cusub uu ku soo daro kooxda.
Isaga oo la hadlyay wargeyska kooxda, nin reer England ayaa yiri “ Waan ku farraxsanahay safka kooxda oo ay ku jiraan dhallinyaro, haddii aan helno kuwa dheeraad ah, waan u baahanahay.”
Sida hadda muuqata, Lampard ayaa u baahan doona in uu beddal u helo Willian iyo Pedro kuwaasi oo uu qandaraaska ka dhacayo xilli cayaareedkan.