Himilo –Aymeric Laporte and Ederson ayaa horey kalsooni badan ka muujiyey laacibka lagu magacaabo Rodri, iyaga oo aaminsan in uu tartan la geli doono Fernandinho khadka dhexe ee Manchester City.
City ayaa sannadkii hore weyday mid beddeli kara booska Fernandinho, laakiin Rodri ayaa hadda kooxda yimid kaasi oo kaga imaaday Atletico Madrid qiimo dhan £63million.
Laporte ayaa ammaanay awoodda khadka dhexe isaga oo aad ugu ammaanay doorkiisa garoonka dhexdiisa.
Mar uu arrimahaasi ka hadlyey ayuu yiri “Wuxuu sameyn karaa doorka Fernandinho.”
Dhinaca kale goolhayaha kooxda Ederson ayaa aaminsan in laacibkan uu kooxda muhiim u yahay.
“Waxa uu u ciyaaraa sida Fernandinho, isagu waa mid xooggan, wuxuu u dagaalamaa si cajiib ah,” ayuu sheegay Ederson.