Home / Cayaaro / Lautaro Martinez oo laga doonayo bisha Janaayo Magaalada Manchester

Lautaro Martinez oo laga doonayo bisha Janaayo Magaalada Manchester

Himilo- Manchester United ayaa miisaameysa inay bisha Janaayo lasoo wareegto weeraryahanka kooxda Inter Milan Lautaro Martinez.

Ka soo laabashadii dhaawaca Anthony Martial ayaa fududeysay dhibaatooyinka United ee xulashada seddexaad ee garoonka, laakiin Red Devils ayaa weli la rumeysan yahay inay suuqa ugu jirto weeraryahan cusub.

Xaqiiqdi, Romelu Lukaku iyo Alexis Sanchez ayaa loo ogolaaday inay ka baxaan Old Trafford xagaagii iyadoo aanay  bedel imaan, waxaana Marcus Rashford ku dhibtooday inuu qaado culeyska gooldhalinta ee maqnaanshaha Martial.

Barcelona ayaa si xoogan loola xiriirinayay inay u dhaqaaqeyso Martinez, laakiin waxaa la soo wariyay isbuucii hore in United ay sidoo kale xiiseyneyso inay la soo wareegto xiddiga reer Argentina.

Sida laga soo xigtay Clarin, Red Devils ayaa haatan isha ku heysa inay lasoo wareegaan 22 jirka, kaasoo dhaliyay toddobo gool 13 kulan oo uu u saftay kooxda Antonio Conte bilowga ololaha xilli ciyaareedka 2019-20.

Martinez ayaa la sheegay in qandaraaskiisa Nerazzurri  uu kula jiro lagu bur burin karo 173 milyan ginni.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan