Home / Cayaaro / Leeds United oo iibka da’yar kamid ah ka macaashaysa £ 10m

Leeds United oo iibka da’yar kamid ah ka macaashaysa £ 10m

Himilo FM –Tottenham Hotspur ayaa u dhaqaaqday Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Leeds United Jack Clarke oo ay ku dooneyso 10 Milyan oo Ginni sida laga soo xigtay Daily Mail.

18 jirkan ayaa isha ku haya heer ciyaareedkiisa xilli ciyaareedkan ka dib markii uu qeyb weyn ka ahaa xiddigaha United  geeyay booska 3aad oo ay ku dhameysateen Championship .

Iyadoo Leeds ay ka maqan tahay booska Premier League ka dib markii ay guuldarro ka soo gaartay Derby County ciyaartii Semi-finalka ee Play off-ka ahayd oo ay la qaateen Derby County.

Clarke ayaa 24 kulan ka ciyaaray xilli ciyaareedkan Championship-ka, waxaana loo doortay ciyaaryahanka da ‘yarta ee  Young Player of the Year.

Tottenham ayaa tartan kala kulmi doonta kooxda kama dambeysta Champions League la joogta ee Liverpool saxiixa ciyaaryahanka da’da yar ee England.

Clarke waxa uu  billowgiisii ugu horreeyay saftay bishii Janaayo, kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Derby County, lakiin waxa uu hore u dhaliyay labo gool isagoo beddel kusoo galay.

Tottenham ayaa sidoo kale dooneysa Ryan Sessegnon oo ka mid ah Fulham, waxay si la mida xiiseyneysaa  ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Dani Ceballos.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan