Himilo- Weeraryahanka Charlton Athletic Macauley Bonne ayaa bartilmaameed waxa uu u yahay seddex koox ka hor suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.
Ka dib markii uu Leyton Orient uga tegay Charlton xagaagii, Bonne wuxuu ku biiriyay lix gool halna caawiye ka noqday 14 kulan oo uu u saftay Championship-ka.
In kasta oo in ka yar lix bilood uu galay heshiis saddex sano ah oo ka socday The Valley, talkSPORT ayaa sheegeysa in Leicester City ay ka mid tahay seddex koox oo isha ku heysa horumarka 24 jirka.
In kasta oo Jamie Vardy iyo Kelechi Iheanacho loo aasaasay inay yihiin labada weeraryahan ee ugu sareeya garoonka King Power, hadana waxaa la sheegayaa in Kooxda Newcastle United hada loo arko inay yihiin kuwa ugu horeeya ee u janjeera dhanka Bonne.
Sikastaba, iyadoo sedex usbuuc ay wali ka harsan tahay bilowga 2020, warbixinta ayaa sheegeysa in Newcastle United haatan loo tixgalinayo inay yihiin horyaal udhaxeeya kooxda Bonne.
Fulham ayaa sidoo kale diyaar u ah inay u soo bandhigto weeraryahanka fursad uu ugu soo wareego London