Home / Habka-Nolosha / Leicester City oo ku dhow in ay lasoo wareegto  Fousseni Diabate oo u ciyaara Gazelec Ajaccio

Leicester City oo ku dhow in ay lasoo wareegto  Fousseni Diabate oo u ciyaara Gazelec Ajaccio

Muqdisho – Leicester City ayay wararku sheegayaan iney u dhaqaaqeyso saxiixa Fousseni Diabate, oo ka imaanaya kooxda Gazelec Ajaccio.

Todobaadkii lasoo dhaafay, ayaa la werinayey in wadada hadalada labada kooxood uu mira dhal ku dhowyahay isla markaana uu lacibkan kusoo wajahanyahay Leicester.

Si-kastaba, sida ay warineyso  Sky Sports News, Leicester ayaa hadda ku dhow in ay weeraryahankan kusoo darto safkeeda iaydoo xoojineysa wadad hadalada ay kula jirto kooxda horyaalka Ligue 2.

Intii lagu guda jiray ola-olaha hadda soca, 22-jirkan ayaa dhaliyey Saddex gool   20 kulan oo uu ciyaaray dhaan tartamada, imaashiyihiisa Leicester waxey u horseedi kartaa in tababre Claude Puel weerar-yahanadiisa mid kamid ah uu ka tago King Power Stadium.

Labada ciyaaryahan ee Ahmed Musa iyo Leonardo Ulloa ayaa la sheegayaa in ay baxayan, inkastoo tababaraha kooxda  Puel uu horay u sheegay in uu doonayo in uu ilaashto isla markaana uu kooxda kusii hayo weeraryahanka Islam Slimani.

W/Q: Abdi Aziz Adan Urur

Cabdicaziiz149@gmail.com

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan