Himilo – Leicester City ayaa lacag rikoor ah ku dooneysa cayaaryahanka ay xiiseynayso Chelsea ee Ben Chilwell sida ay tilmaamayaan warbixinno soo baxay.
Cayaaryahanka reer England ayaa la rumeysan yahay in uu diiradda u saaran yahay kooxda Blues marka ay la soo wareegto weeraryahanka RB Leipzig ee Timo Werner.
Tababaraha kooxda Frank Lampard ayaa la soo warinayaa in uu xiiseynayo Chilwell. Sida laga soo xigtay Sky Sports News, Blues ayaa dooneysa inay xaqiijiso saxiixa 23 jirka.
Si kasta, iyada oo qandaraaska Chilwell uu dhacayo 2024-ka haddana kooxda Leicester ayaa loo badinayaa inay dalban doonto lacag badan.
Chilwell ayaa dhaliyay labo gool isaga oo caawiyay seddex kale 23 kulan oo horyaalka Ingiriiska ah.