Home / Habka-Nolosha / Leicester oo laga reebay tartanka UCL

Leicester oo laga reebay tartanka UCL

Muqdisho – Kooxda Atletico Madrid ayaa ugu danbeyn usoo baxday wareegga afar dhamaadka tartanka Champion League kadib markii 2-1 celcelis ah ay kaga soo adkaadeen dhiggooda Leicester.

Bandhigga ciyaareed ee ka dhacay garoonka King Power Stadium wuxuu ahaa mid aad loola dhacay – halkaas oo labada koox ay muujiyeen ciyaar wanaagsan weerar iyo weerar celis ah. Leicester ayaa lagu amaanay sida naf-hurnimada leh ee ay u dagaalantay ilaa iyo dhamaadka kulanka oo 1-1 kusoo idlaaday.

Marka loo eego lugtii hore ee labadan kooxood wada yeesheen, Madrid ayaa 1-0 ku laheyd Leicester taas oo celcelis ahaan ka dhigaysa 2-1 inay kaga soo baxaan. Leicester waxay noqoneysaa kooxdii ugu dabeysay ee British ah ee isaga harta tartanka UCL.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan