Himilo- Weeraryahanka Manchester City Leroy Sane ayaa doonayo inuu ku biiro kooxda Bayern Munich inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo halkii uu sugi lahaa ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.
23 jirka ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu u wareegayo kooxda Allianz Arena inta lagu guda jiro xagaagan ka hor inta uusan dhaawac jilibka ah dilin fursadahiisa inuu ku biiro kooxda heysata Bundesliga.
Sane ayaa weli lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo Bayern, inkastoo wararka la isla dhexmarayo ay sii kordhayaan isbuucyada soo socda madaama ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka uu ku dhow yahay inuu taam ahaanshihiisa ku soo laabto.
Sida laga soo xigtay jariiradda Bild, xiddigii hore ee Schalke 04 ayaa go’aansaday inuu ku biiro kooxda Bayern marka uu furmo suuqa jiilaalka, inkastoo City aan laga fileynin inay iska iloobaan qiimeyntooda 135 milyan ginni ah.
Sane, oo dhaliyay 39 gool isla markaana diiwaangaliyay 45 caawinaad 134 kulan oo uu u saftay Citizens, ayaa arki doona heshiiskiisa haatan ee Etihad Stadium oo dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda.
Weeraryahankan ayaa la sheegay inuu horay u diiday dalabyo badan oo qandaraas cusub ah oo uga yimid kooxda heysata horyaalka Ingariiska.