Home / Habka-Nolosha / Levy: “Pochettino wuxuu noqonayaa Sir Alex-ka cusub ee Tottenham.”

Levy: “Pochettino wuxuu noqonayaa Sir Alex-ka cusub ee Tottenham.”

Muqdisho – Mauricio Pochettino waxaa lala tirsiinayaa inuu noqonayo Sir Alex Feguson-ka kooxda Tottenham Hotspur, guddoomiyaha naadiga Daniel Levy ayaa sidaas yiri.

Macalin reer Argentine wuxuu sanadkiisa afaraad ku sugan yahay waqooyiga England – isaga oo soo leyliyay kooxda Southampton.

Labadii sano ee lasoo dhaafay, wuxuu kooxda Tottenham u suura-geliyay inay horyaalka ku dhamaysato afarta koox ee ugu sarreysa.

Wuxuu sanadkii hore kooxda la galay heshiis gaaraya ilaa sanadka 2021 – isaga oo hadda u muuqda si sii tiigsan kara heerka macalin Sir Alex uu ku hoggaamiyay naadiga Manchester United.

Levy ayaa u sheegay Daily Mail: “Waxaan doonayaa inuu noqdo Sir Alex-ka cusub ee Tottenham wuxuuna heystaa fursad uu ku xaqiijin karo hadafkaas. Waan ku kalsoonahay naftiisa. Way inoo cadahay meesha aan doonayno inaan gaarno.”

Hadda waxay ku jirtaa booska saddexaad ee kala horraynta horyaalka PL.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan