Himilo – Kooxaha horyaalka waddanka Sucuudiga ayaa ku hungoobay isku-day ay ku doonayeen inay la saxeexdaan labada ciyaartoy ee Robert Lewandowski iyo Kevin De Bruyne oo ay dalabyo dhawr ahaa ka gudbiyeen, laakiin ay ciyaartoydani iska diideen.
Labadan ciyaartoyba waxa la filayaa in sannadka dambe ay tagaan Sucuudiga oo ay raacaan raadka Karim Benzema, N’Golo Kante, Jordan Henderson, Riyad Mahrez, Cristiano Ronaldo, Frank Kessie iyo kuwo kale oo badan, hase yeeshee wariyaha ciayaraha ee Fabrizio Romano ayaa waxa uu sheegay in labadan ciayartoy ay iska diideen waqtigan inay baxaan.
De Bruyne oo ah mishiinka khadka dhexe ee Manchester City oo uu dhow yahay dhamaadka qandaraaskiisu ayaa waxa la sheegay inay lasoo xidhiidheen tiro kooxo Sucuudi ah, sidaas oo kalena waxa dalabyo u helay Robert Lewandowski.
Si kastaba ha ahaatee, labadan ciyaartoy ayaa u sheegay in ay doonayaan in ay kasii ciyaaraan tartanka Champions League.