Home / Cayaaro / Lewandowski oo sheegay in Ronaldo iyo Ramos ku booriyeen ku biirista Real Madrid

Lewandowski oo sheegay in Ronaldo iyo Ramos ku booriyeen ku biirista Real Madrid

Himilo FM –Xiddiga kooxda Bayern Munchen ee Robert Lewandowski ayaa qirtay sida ay Real Madrid u dooneyso isaga oo sheegay in Cristiano Ronaldo iyo Sergio Ramos weydiiyeen in uu kusoo biiro Los Blancos sannado kahor.

Robert Lewandowski ayaa qeyb ka ah laacibiinta ugu wanaagsan ee u ciyaara naadiga Bayern Munich wakhti xaadirkan, inkastoo xilli xun uu ku billowday ololahan.

30-jirkan u dhashay dalka Polish ayaa ah shaqsiga ugu sarreeya gooldhalinta Bundesliga xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 17 gool.

Lewandowski ayaa sidoo kale qeyb ka ah xiddigaha ugu sarreeya gooldhalinta tartanka UEFA Champions League ololahan kaddib markii uu shabaqa gaarsiiyay siddeed gool, nasiib darro kooxda Bayern Munchen ayaa ku hartay wareegga 16-ka iyaga oo guuldarro kala kulmay Liverpool.

Sergio Ramos ayaa ah kabtanka kooxda Real Madrid halka Cristiano Ronaldo uu isaga hayaamay Los Blancos xagaagii lasoo dhaafay isaga oo ku biiray Juventus waxa uuna ololahan uu ciyaarayaa door loo riyaaqay. Ma aheyn wax qarsan in Real Madrid lala xiriiriyo weeraryahanka Poland. Wareysi uu siiyay saxafiga Spanishka ee Guillem Balaque oo ka tirsan BBC Radio 5, Lewandowski ayaa xaqiijiyey in labada ciyaarayhan ee Ramos and Ronaldo ay ku booriyeen in uu kusoo biiro Real Madrid kaddib markii uu ku biiray Bayern Munich

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan