Home / Habka-Nolosha / Liiska 10-ka ciyaaryahan ee ugu qaalisan kubadda cagta.

Liiska 10-ka ciyaaryahan ee ugu qaalisan kubadda cagta.

Muqdisho – Kadib markii ay kooxda Barcelona ku dhawaaqday heshiiska laacibka reer France ee Ousmane Dembélé isla markaana ay soo ban-dhigtay maanta oo Isniin ah, waxaan idiin soo gudbinayna 10-ka laacib ee ugu qaalisan kubadda cagta.

Neymar ayaa wixii Dembelle kahor ahaa laacibka ugu qaalisan dunida.

Haddaba halkan kaga bogo Liiska 10-ka ciyaar yahan ee ugu qaalisan kubadda cagta.

  1. Neymar ayaa Barcelona kaga tagay £198 milyan oo u dhiganta €222 milyan dhinaca PSG.
  2. Ousmane Dembélé ayaa kaga tagay Borussia Dortmund adduun dhan £97m oo u dhiganta €105m oo lacagta Yurub ah.
  3. Paul Pogba ayaa Juventus kaga tagay adduun dhan £89m oo u dhiganta €105.
  4. Gareth Bale ayaa Tottenham Hotspur uga tagay dhinaca Real Madrid adduun dhan £86m una dhiganta €100.
  5. Cristiano Ronaldo ayaa Real Madrid dhinaca Man U kaga yimid adduun dhan £80m oo lacagta Ingriirka ah una dhiganta €94m oo midda Yurub ah.
  6. Gonzalo Higuaín wuxuu Napoli kaga dhaqaajiyay Juventus adduun dhan £75.3m oo lacagta Ingriiska una dhiganta €90m milyan oo lacagta Yurub ah.
  7. Romelu Lukaku Everton ayuu kaga soo guuray Manchester United adduun dhan £75m una dhiganta €85 milyan oo lacagta Yurub ah.
  8. Luis Suárez Liverpool ayuu kasoo tagay Barcelona ayuu yimid £75m  oo u dhiganta €82.3m oo lacagta Yurub ah.
  9. James Rodríguez Monaco ayuu kasoo tagay Real Madrid ayuu uga soo dhaqaaqay £63milyan  una €78m oo lacagta Yurub ah.
  10. Zinedine Zidane oo kooxda Juventus kaga soo dhaqaaqay Real Madrid adduun dhan £46.6 milyan.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan