Home / Habka-Nolosha / Lionel Messi oo aan ku faraxsanayn go’aanka Valverde ku ciyaarsiiyay Gomes.

Lionel Messi oo aan ku faraxsanayn go’aanka Valverde ku ciyaarsiiyay Gomes.

Muqdisho – Lionel Messi ayaan ku faraxsaneyn go’aankii Ernesto Valverde uu ku ciyaarsiiyey Andre Gomes kulankii Barcelona iyo Athletic Bilbao ee Sabtidii.

Taasi waa sida laga soo xigtay wargeyska Isbaanishka ah Don Balon kaas oo sheegay in xiddiga reer Argentine uusan ku qanacsaneyn xiddigii hore ee Valencia.

Gomes ayaa kusoo bilowday saddexda weerar isaga oo la ciyaaray Luis Suarez iyo Messi.

Si kastaba, weeraryahanka reer Portugal ayaa hoos u dhac weyn uu ka muuqday intii uu socday kulankii La Liga.

Don Balon ayaa sheegay in Messi uu doorbidi doono Denis Suarez in la siiyo fursadda koobaad ee kooxda intii uu ciyaari lahaa Andre Gomes.

Qore: Abdiaziz Aadan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan