Home / Habka-Nolosha / Lionel Messi oo u sheegay Barcelona inay heysato Sergi Roberto.

Lionel Messi oo u sheegay Barcelona inay heysato Sergi Roberto.

Muqdisho – Lionel Messi ayaa lagu soo warramayaa inuu ku adkeysanayo in Barcelona ay sii haysato xiddiga qadka dhexe ee reer Spain, Sergi Roberto.

Roberto, oo 25 sano jir ah, ayaa kor u qaaday xirfaddiisa ku aadan  kooxda Barcelona, laakiin xiddiga heerka caalami ee dalka Spain ayaa qandaraaskiisa waxa uu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda, waxaana lagu burburin karaa 35 milyan oo ginni.

Manchester United ayaa lala xiriirinayay xiddigan khadka dhexe, halka Real Madrid sidoo kale dhawaan laga soo wariyey xiiso.

Sida laga soo xigtay Diario Gol, Messi, oo saameyn weyn ku leh Camp Nou, ayaa u sheegay tababbare Ernesto Valverde iyo madax-weynaha kooxda, Josep Maria Bartomeu in Roberto lagu sii celiyo kooxda reer Spain.

Messi iyo Roberto ayaa labadaba qeyb ka ahaa kooxdii Barcelona ee 2-0 kaga badisay Villarreal kulankii xalay.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan