Home / Caafimaad / Lithuania: Nin xaaskiisa ku xeray suuli cabsi uu ka qabo caabuqa Corona

Lithuania: Nin xaaskiisa ku xeray suuli cabsi uu ka qabo caabuqa Corona

Himilo – Nin u dhashay Lithuania ayaa xaaskiisa ku xeray musqul sabab la xiriirta baqdin uu ka qabo caabuqa Corona. Tani waxay ka danbeysay markii xaaska ay la kulantay haweenay Shiinees ah oo katimid Talyaaniga.

Xaaska lagu xannibay suuliga ayaa lagu soo waramayaa inay la xiriirtay booliiska oo si deg deg ah ku soo gaaray guriga ku yaalla caasimadda Vilnius sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Ninka oo la wareystay ayaa sheegay in uu qaatay go’aanka kaddib markii uu dhaqaatiirta kala tashaday habka looga foggaan karo caabuqa Corona.

Lama xerin ninka, waxaana haweenayda la marsiiyay hannaan caafimaad iyada oo laga waayay calaamadaha caabuqa dilaaga ah.

Illaa iyo immika, Lithuania lagama soo warin xaalado ku saabsan caabuqa Corona oo si fudud ugu sii faafaya dunida.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan