Himilo- Liverpool iyo Tottenham Hotspur ayaa la warinayaa inay u dagaallami doonaan saxiixa weeraryahanka Lyon ahna Flop-kii Man United Memphis Depay marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga.
Ninka reer Holland ayaa ku biiray United bishii May 2015 iyadoo ay jirto kaliya inuu ka tagay 18 bilood ka dib markii uu dhaliyay 7 gool tartamada oo dhan.
Si kastaba, ka dib soo laabasho cajiib ah ee uu kula yimid Lyon Memphis wuxuu ku adkeystay inuu u furan yahay inuu ku laabto Premier League.
Sida laga soo xigtay Daily Express, Spurs iyo Liverpool ayaa xiiseynaya saxiixa weeraryahanka xagaagan.
Wararka ayaa horey u sheegayay in kooxda ka dhisan waqooyiga London ay dalab 50 milyan oo ginni ah u dirtay Memphis, kaasoo 11 gool dhaliyay xilli ciyaareedkan.
Dhanka kale Liverpool waxaa la filayaa inay xoojiso weerarkeeda suuqa xagaaga iyagoo aan sameynin saxiixyo waa weyn ka hor ololaha 2019-20.