Home / Cayaaro / Liverpool oo aan ka quusan xiisaha Ismaila Sarr

Liverpool oo aan ka quusan xiisaha Ismaila Sarr

Himilo – Liverpool aya kamid ah seddex koox oo ka dhisan Ingiriiska oo muujiyay xiisaha laacibka Watford Ismaila Sarr sida ay warbixinno tilmaameen.

22 jirka ayaa loo filayaa in uu ka tago Vicarage Road xagaaga maadaama kooxdiisa hoos uga dhacday heerka koowaad ee horyaalka Ingiriiska.

Sarr oo Watford kaga soo biiray Rennes adduun dhan £30m sannadkii hore ayaa dhaliyay shan gool isaga oo caawiyay seddex kale.

Labo kamid ah goolasha waxa uu ka dhaliyay kulanka kooxdiisa iyo Liverpool. Sida laga soo xigtay The Mirror, 22 jirka ayaa soo jiitay Klopp.

Warbixinnada ayaa tilmaamaya in Liverpool si dhaw ula socoto xaaladda laacibka reer Senegal oo ay dooneyso inay u dhaqaaqdo.

Sarr ayaa loo arkaa in uu yahay beddal ka jaban qiimo ahaan weeraryahanka Borussia Dortmund Jadon Sancho kaasi oo lagu qiimeeyay £100m

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan