Home / Cayaaro / Liverpool oo aan wali dalab rasmi ah ka gudbin Alcantara

Liverpool oo aan wali dalab rasmi ah ka gudbin Alcantara

Himilo – Madaxa Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge ayaa sheegay in Liverpool aysan wali codsi rasmi ah ka soo gudbin cayaaryahanka khadka dhexe ee Thiago Alcantara.

Reds ayaa loo badinayaa saxiixa cayaaryahanka reer Spain oo dhawaan xaqiijiyay in uu ka tagayo Bayern Munich.

Iyada oo qandaraaskiisa uu ka harsan yahay wax ka yar sannad, Thiago ayaa diyaar u ah in uu ka tago Allianz Arena isaga oo u wareegaya horyaalka Ingiriiska.

Illaa iyo immika, Liverpool wali ma aysan kula heshiin Bayern qiimaha laacibka.

29 jirka Thiago Alcantara ayaa mar kale noqday cayaaryahan muhiim u ah kooxda Jarmalka ah xilli cayaareedkan isaga oo ka soo muuqday 36 kulan oo ah dhammaan tartamada oo idil.

Bayern aya la soo warinayaa inay cayaaryahanka ku dooneyso adduun dhan €35m (£31.6m).

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan