Home / Habka-Nolosha / Liverpool oo aqbashay heshiis ay Madrid kaga saxiixanayso Mateo Kovacic.

Liverpool oo aqbashay heshiis ay Madrid kaga saxiixanayso Mateo Kovacic.

Muqdisho – Liverpool ayay wararku sheegayaan in ay heshiis la meel-dhigatay xiddiga kooxda Real Madrid ee Mateo Kovacic oo kamid ah ciyaartoydii ku guuleystay horyaalka iyo koobka horyaallada Yurub sanadkii lasoo dhaafay.

Jurgen Klopp ayaa horay ula soo saxiixday xiddigaha  Mohamed Salah, Dominic Solanke iyo Andrew Robertson wuxuuna doonayaa in uu helo adeegga qadka dhexe ee Mateo Kovacic.

Xiddiga kooxda RB Leipzig star ee Naby Keita iyo difaaca kooxda  Southampton, Virgil van Dijk ayaa ah xiisaha ugu sarreeya ee kooxda marka loo fiiriyo suuqa kala iibsiga ee hadda furan, hayeeshe Reds wali kuma aysan guuleysan in ay hesho xiddigo ka badan Mohamed Salah, Dominic Solanke iyo Andrew Robertson.

Diario Gol oo kasoo baxda Spain ayaa warineysa in Kovacic uu heshiis la gaaray kooxda Liverpool isla markaana uu u guuri doono Anfield iyo gobolka Merseyside-ka.

Qadkan dhexe ayaa kamid ah ciyaartoyda keydka ee macalin Zinedine Zidane, 19 soo bilaabasho oo kaliya ayuu sameeyay horyaalka La Liga xagaagii dhamaaday wuxuuna baddal kusoo galay sideed kale.

Croatian-kan heerka caalami ayaa kusoo biiray kooxda isaga oo kamid ah naadiga Inter Milan sanadki  2015, wuxuu u dhaliyay Real hal gool sidaas oo kale waxa uu caawiyay 3 kale sanadkii dhamaaday ee 2016-17.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

2 comments

  1. Should a condition be found to have recurred on the follow up visit, then the diagnosis code for the condition should be assigned in place of the follow up code cialis with priligy

  2. I had heard about anesthesia free teeth cleaning through a friend Priligy Back in the late 70s, there was an epidemic of toxic shock syndrome cases, three quarters of which were tampon related

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan