Home / Cayaaro / Liverpool oo diiday dalab la xiriira Xherdan Shaqiri

Liverpool oo diiday dalab la xiriira Xherdan Shaqiri

Himilo – Kooxda Liverpool ayaan damacsaneyn inay Xherdan Shaqiri u oggolaato in uu ka tago garoonka Anfield inta lagu guda jiro suuq furanka bishan.

Ciyaaryahanka ayaa qaatay xilli cayaareed niyad jab leh isaga oo keliya ku soo billowday seddex kulan islamarkaana beddal lagu keenay lix cayaar dhammaan tartamada oo dhan.

Sida laga soo xigtay wariyaha reer Talyaani ee Fabrizio Romano, Roma ayaa xiiseynaysa inay siiso 28 jirka daqiiqado badan oo uu ku qaato garoonka Stadio Olimpico kaddib markii uu dhaawac soo gaaray Nicolo Zaniolo.

Si kasta, inkastoo aan la siin fursad badan haddana waxaa la soo warinayaa in Liverpool diiday dalab uga yimid kooxda reer Talyaani ee Roma.

Romano ayaa intaa raacinaya in Liverpool ku war gelisay kooxo badan in aysan diyaar u aheyn heshiis la soo gabagabeeyo bartamaha xilli cayaareedkan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan