Home / Cayaaro / Liverpool oo heshiisyo cusub ka saxiixaysa Alisson iyo Van Dijk

Liverpool oo heshiisyo cusub ka saxiixaysa Alisson iyo Van Dijk

Himilo – Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay dhammeystireyso heshiisyo cusub oo ay ka saxiixdo Alisson iyo Virgil Van Dijk.

Cayaaryahannada ayaa kaalin weyn ka qaatay ol-olaha Liverpool ee 2019-20 inkasta oo safarkooda horyaalkii ugu horreeyay ee Ingiriiska uu saameyn ku yeeshay caabuqa Corona.

Sida laga soo xigtay 90Min, labada cayaaryahan ayaan muujin doonis la xiriirta inay ka tagayaan Anfield taasi oo ka dhigan in laga saxiixayo heshiisyo cusub.

Warbixinnada ayaa tilmaamaya in kooxda wadahadallo kula jirtay goolhayaha iyo daafaca tan iyo sannadkii hore. Reds ayaa ku dhaw heshiisyada ay ku ceshanayso cayaaryahannada ugu muhiimsan.

Alisson iyo Van Dijk ayaa ka soo muuqday wadar dhan 192 kulan oo ay u safteen kooxda tababare Jurgen Klopp.  

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan