Home / Cayaaro / Liverpool oo hoos u dhigtay qiimaha ay ku dooneyso Shaqiri

Liverpool oo hoos u dhigtay qiimaha ay ku dooneyso Shaqiri

Himilo – Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay hoos u dhigtay dalabka lacageed oo ay ku dooneyso weeraryahanka Liverpool Xherdan Shaqiri.

Laacibka reer Switzerland ayaa keliya ka soo muuqday 10 kulan oo Reds ah ol-olaha 2019-2020 iyada oo warbixinno muujiyeen in kooxda Klopp diyaarineyso iibinta 28 jirka.

Liverpool ayaa markii hore ku qiimeysay laacibka adduun dhan £28 Milyan hase ahaatee marka la eego Calciomercato, kooxda heysata horyaalka Yurub ayaa caddeysay in cayaaryahanka ku iibineyso qiimo u dhaxeya £16m illaa £18 Milyan.

Sevilla, Roma iyo CSKA Moscow ayaa dhammaantood la rumeysan yahay inay xiiseynayaan weeraryahanka kaasi oo qandaraaskiisa Anfield uu ku egyahay ol-olaha 2022-2023.

Shaqiri ayaa dhaliyay toddobo gool 40 kulan oo uu u saftay Liverpool dhammaan tartamada oo idil tan iyo markii uu kaga soo biiray Stoke City xagaagii 2018.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan