Home / Cayaaro / Liverpool oo Ku Guuleysatay Carabao Cup

Liverpool oo Ku Guuleysatay Carabao Cup

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku guuleysatay koobka Carabao Cup, kaddib markii ay 1-0 kaga badisay Chelsea ciyaar lagu daray 30 daqiiqadood oo dheeraad ah taas oo inta badan ay Reds ku dheelaysay carruur yaryar kaddib markii ay dhaawacyo ragaadiyeen.

Gool madi ah oo uu dhaliyey Virgil van Dijk ayaa Liverpool siiyey guusha koobkan, waxaana ay murugo iyo ceeb kale usoo hoyatay xiddigaha waaweyn ee Chelsea ee lacagta badan laga soo bixiyey, kuwaas oo carruur yaryar ay guul-darradan u xambaarisay.

Liverpool oo sidan oo kale finalkii Carabao Cup ee 2022 ugu garaacday Chelsea, ayaa waxa geesiyadooda noqday Van Dijk oo goolka dhaliyey iyo goolhaye Kelleher oo kubbado badan oo halis ahaa badbaadiyey.

Jurgen Klopp oo ay kooxdiisa dhaawacyo ragaadiyeen ayaa murugo ay lasoo deristay daqiiqaddii 25aad oo uu dhaawac kale oo halis ah soo gaadhay xiddiga khadka dhexe ee Ryan Gravenberch taas oo keentay inuu soo geliyo difaaca reer England ee Joe Gomez maadaama aanu haysanin ciyaartooyo kale oo khibrad leh, waxaanu khadka dhexe u riixay Conor Bradley oo difaaca midig ka ciyaarayey.

Chelsea ayaa gool la hormartay daqiiqaddii 32aad, waxaana u dhaliyey Raheem Sterling hase yeeshee VAR ayaa soo hubisay oo ku caddaysay in Jackson uu ku jiray offside, sidaas ayaana lagu diiday goolkaas.

Liverpool ayaa sidoo kale la timid gool uu u dhaliyey Van Dijk daqiiqaddii 61aad, hase yeeshee VAR ayaa meesha ka saartay goolkaas oo ku yimid kubbad laad xor ahayd oo ay Reds soo tuuratay.

Chelsea ayaa laba fursadood oo dahabi ahaa iska khasaarisay daqiiqaddii 90aad oo uu Conor Gallagher kubadd la hor tegay goolka, balse waxa ka badbaadiyey Kelleher oo noqday libaaxa Liverpool ee shabaqiisa waardiyaha adag ka noqday.

30 daqiiqadood oo dheeraad ahaa oo lagu daray ciyaarta ayay Liverpool fursado badan samaysay, waxaanay u dhowaadeen inay shabaqa soo taabtaan 15kii daqiiqadood ee hore, hase yeeshee waxa sidoo kale uu nasiibku diiday Christopher Nkunku iyo Cole Palmer oo Chelsea u dhoweeyey guusha.

Daqiiqaddii 118aad ayaa uu Virgil van Dijk dhaliyey goolka Liveprool siiyey guusha, isaga oo madax awood badan ku qabtay kubbad uu dhinaca kasoo qaaday Kostas Tsimikas oo beddel kusoo galay.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan