NATHAN REDMOND ayaa ahaa ninka culeyska ugu badan ay kala kulantay Liverpool oo qeybta hore ee kulanka ayuu Southampton siiyay hoggaanka kulanka EFL Cup semi-final.
Wuxuuna bandhig fiican ka sameeyay St Mary, Jurgen Klopp wiilashiisa weerarka ah ayaana ku hungoobay Virgil van Dijk iyo difaac dhexaadka kale Maya Yoshida in ay kubbado fiican dhaafiyaan.
Liverpool ayaa heshay soo laabashada Philippe Coutinho oo keydka kasoo galay kulanka Klopp ayaana siiyay safka koobaad ee weerarka Roberto Firmino oo ku lammaanan Daniel Sturridge.
Balse waxay aheyd habeen u wacan Southampton oo goolka ay ka heshay Redmond oo ahaa qalad uu galay Ragnar Klavan kan 20 daqiiqo ka dhigay ciyaarta mid lagu hoggaamiyay ciyaartuna ku dhammaatay.
Claude Puel kooxdiisa ayaase fursado geesinimo leh waxaa kasii badbaadiyay Loris Karius ka hor inta aan ciyaarta qeybta hore la dhammeyn.
Copa Del Rey
Lionel Messi ayaa dhaliyay bulisiyoonkiisii 3aad oo xiriir ah, markii uu bandhig fiican oo laga filayay ka sameeyay ciyaartii Barcelona ee 3-1 Copa Del Rey ay uga badisay Athletic Club Arbacadii.
Wiilka u dhashay Argentine ayaa si qurux badan shabaqa ugu hubsaday bulisiyoonka oo la siiyay daqiiqaddii 78aad ee ciyaarta.
Wuxuuna ahaa goolka kaliya ee Barca ay ku yaqiinsatay in ay usoo gudubtay quarter-final, balse taasi waxay tuseysaa Messi in uu bulisiyoonkii 3aad dhaliyay muddo 3 kulan ah oo xiriir ah.
Laacibkan oo 29-jir ah ayuu bulisiyoonkiisu Barcelona ku caawiyay in lugtii hore ee Copa Del Rey ay gool soo helaan.
Ninkan 5ta mar heysta abaal marinta Ballon d’Or wuxuu sidoo kale Bulisiyoon dhaliyay kulankii Villarreal ee horyaalka Spain.