Home / Cayaaro / Liverpool oo Shan Dhibcoodna Ku Qabatay Hoggaanka Premier League

Liverpool oo Shan Dhibcoodna Ku Qabatay Hoggaanka Premier League

Himilo- Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyey ka takhalustay Nottingham Forest oo ay marti u ahayd, waxaanay kaga soo adkaatay 1-0 iyadoo shan dhibcood kula wareegtay hoggaanka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, inkasta oo labada kooxood ee ay is-eryanayaan ee Arsenal iyo City aanay wali dheelin.

Gool uu Darwin Nunez ku dhaliyey daqiiqaddii ugu dambaysay ee waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta ayaa Liverpool siiyey guul muhiim ah oo ka caawin doonta inay kusii negaato hoggaanka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League.

Reds ayaa ku rafaadday garoonka The City Ground oo ay ku sugnaayeen 29,603 oo taageereyaal ah oo intooda badan ahaa jamaahiirta kooxda Nottingham Forest, waxaana ciyaartan bandhig heersare ah sameeyey goolhaye Matz Sels oo kubbado badan ka badbaadiyey weeraryahannada Liverpool.

Iyadoo ay quusteen Jurgen Klopp iyo xiddigaha Liverpool ayaa waxa kubbad koorne ahayd oo uu sababteeda lahaa Joe Gomez, waxa iska saaray difaaca Nottingham Forest, laakiin xerada ganaaxa bannaankeeda ayaa waxa ka helay Kostas Tsmikas oo darbad ku qabtay, waxaana isku dhigay difaaca oo mar kale soo celiyey, iyadoo kubaddu ay u tagtay Mac Allister oo madax u saaray Darwin Nunez oo isaguna shabaqa ku hubsaday.

Luis Diaz iyo Cody Gakpo ayaa fursado ay heleen uu ka diiday goolhaye Matz Sels, ka hor intii aanu goolka keenin Nunez daqiiqaddii 99aad, iyadoo uu weeraryahanka reer Uruguay beddel kusoo galay ciyaarta.

Liverpool ayaa waxay guusheedani imanaysaa iyadoo ay dhaawacyo ragaadiyeen, balse ay filayaan inay hadda kasoo doogayaan, waxaana ciyaartan dib ugu soo laabtay Nunez oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ka maqnaa iyo Dominik Szoboslai oo afar usbuuc aan u dheelin kooxdiisa.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan