Muqdisho – Liverpool oo kaga jirtaa horyaalka kaalinta 19 iyadoo leh 35 dhibcood isla markaana kor u fiirineysa kooxda United, City iyo Chelsea ayaa soo dhaweyn doonta kooxda Swans ciyaar ka dhici doonta garoonka Anfield ee magaalada Liverpool.
Liverpool waxaa ka maqnaan doona kabtanka Jordan Henderson, kaasoo dhaawac muruqa ah soo gaaray kulankii barbaraha 3-3 ay la galeen Arsenal.
Daafaca Joel Matip ayaa laga yaabaa inuu ciyaaro kadib markii uu muddo bil ah ku maqan dhaawac muruqa ah.
Daafaca Swansea Kyle Naughton ayaa seegi doona ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray kulankii sabtida ee ay la ciyaareen Crystal Palace, sidaasi darteed Angel Rangel ayaa qarka u saaran inuu bedelo.
Swans ayaa sidoo kale waxaa ka maqan kara Leroy Fer, kaas oo dhibaato dhabarka ah qaba waxaana la qiimeyn doonaa ka hor ciyaarta.
Ma ogtahay?
Swansea ayaa badisay labo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay Liverpool, iyadoo lix kulan laga badiyay islamarkaana barbaro gashay labo ka mid ah siddeeddii ka horeysay.
Swans ayaa 3-2 ku badisay Anfield xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, waxey aheyd markii ugu horeysay 16 kulan oo horyaalka ah ay booqdeen (D3, L12).
Sagaalkii kulan ee ugu dambeysay oo ay wada ciyaareen Horyaalka waxay iska dhaliyeen 35 gool 22 waxaa dhalisay Liverpool halka ay 13 gool ay saxiixday Swansea.
Liverpool ayaan laga badin 10 kulan oo kulamada Premier League-ga ah, mana aysan guul-dareysan mad kasta oo kamid ah 13-kii kulan ee ugu danbeeyeye dhamaan tartamada (W8, D5).
Liverpool guul-darro kuma aysan soo gaarin gurigeeda iyadoo ciyaareysa Boxing Day horyaalka tan iyo 1986, markaas oo 1-0 qasaaro ah ay kala kulantay Manchester United (W7, D3).
Roberto Firmino ayaa dhaliyey saddex gool Saddex kulan oo Premier League uu ka hor yimid Swansea.
Mohamed Salah ayaa isna dhaliyey 15 gool Premier League xilli ciyaareedkan – kaliya labo ciyaaryahan oo Liverpool ah ayaa dhaliyey goolal ka badan ka hor ciidda Christmas waxeyna kala ahaayeen Robbie Fowler (15 xilli ciyaareedkii 1994-95 isla markaana 16 gool dhaliyey 1995-96) iyo Luis Suarez (19 sanadkii 2013-14).
Swansea ayaa guul darreysatay siddeed kamid ah 11-kii kulan ee ugu danbeeyey kulamada Premier League (W1, D2).
Waa kuma garsooraha?
Referee: Kevin Friend
Assistants: Adrian Holmes, Mark Scholes
Fourth official: Paul Tierney.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.