Himilo- Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa u dabaal degtay gaaridda hal milyan oo taagerayaal shabakadda TikTok ah, iyada oo noqotay kooxdii ugu horreysay ee Premier League ee gaarta heerkaasi.
In heerkaan ay gaarto kooxda waxaa ka saaciday guushii Champions League ee bishii June markaasi oo ay soo dhigayeen muuqallo kooban iyaga oo u marsiinaya dadka adeegsada TikTok.
Tan iyo markii ay si rasmi ah ugu soo biireen bishii May, Liverpool FC ayaa muuqallo kala geddisan u adeegsatay halkan, muddadaasi oo uu jirey waxaa Like ama ka helid siisay 6.5 milyan halka 81 milyan oo jeer la daawaday.
TikTok ayaa ah mid kamid ah Apps loogu soo degsi badan yahay caalamka iyada oo ay isticmaali karaan in ka badan 150 dal halka 75 luuqadood wax loogu baahiyo.