Home / Cayaaro / Liverpool oo u dhaqaaqday daafaca Real Sociedad Llorente

Liverpool oo u dhaqaaqday daafaca Real Sociedad Llorente

Himilo FM –Liverpool ayaa ka fiirsaneysa inay xagaaga u dhaqaaqdo daafaca Real Sociedad Diego Llorente, sida ay tibaaxayaan warbixinnada.

Llorente ayaa qaab ciyaareed loo riyaaqay ku soo bandhigay da’yarta Real Madrid isagoo si joogto ah ugu ciyaarayay Real Madrid C iyo Real Madrid Castilla inkastoo oo uu seddex kulan u saftay kooxda koowaad.

Daafaca ayaa ka tagay Bernabeu isaga oo ku biiray kooxda Sociedad sannadkii 2017-kii, waxaana uu 52 kulan u saftay kooxda Basque tartamada oo dhan isagoo shabaqa soo taabtay 7 jeer.

Sida laga soo xigtay Noticias de Gipuzkoa, Llorente ayaa laga yaabaa in uu ku dhaqaaqo  27 milyan oo ginni xagaaga marka uu furmo suuqa kala iibsiga, taasi oo ah dareen soo jiidasho oo ay la kulmayaan kooxda Liverpool kuwaasi oo la rajeynayo inay u dhaqaaqaan daafac dhexe dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga labada jeer u saftay xulka qaranka Spain ayaa 18 kulan u saftay kooxda Sociedad xilli ciyaareedkan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan