Himilo – Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay u furan tahay u dhaqaaqista weeraryahanka kooxda Barcelona Ousmane Dembele suuq furanka bishan Janaayo.
Reds ayaa goor sii horreysay soo qaadatay weeraryahanka reer Jabaan Takumi Minamino oo ay kala soo wareegeen kooxda Bull Salzburg.
Dembele oo immika dhaawac uga maqan garoomada ayaa ka baxay liiska ciyaaryahanada uu xiiseeyo tababaraha Barcelona Ernesto Valverde.
Marka la eego ElDesmarque, Liverpool ayaa xiiseynaysa inay u dhaqaaqaan ciyaaryahanka oo lagu qiimeeyay adduun dhan £85 Milyan.
Iyaga oo aan sameyn saxiix weyn xagaagii hore, kooxda Klopp ayaa la filayaa inay iibsato weeraryahan suuq furanka bishan iyadoo Jadon Sancho lagu soo daray liiska laacibiinta ay dooneyso Liverpool.