Home / Cayaaro / Liverpool oo u dhaqaaqi karta Sancho haddii Man United ku guuldarreysato heshiiskiisa

Liverpool oo u dhaqaaqi karta Sancho haddii Man United ku guuldarreysato heshiiskiisa

Himilo – Liverpool ayaa qorsheynaysa in ay ku dhaqaaqdo Jadon Sancho xagaaga soo socda haddii Man United ku guuldareysato in ay heshiis la gaarto xiddiga Borussia Dortmund.

Cayaaryahanka Ingiriiska ayaa aha bartilmaameedka koowaad ee Man United kahor ol-olaha 2020-21 xilli Ole Gunnar Solskjaer uu doonayo in uu xoojiyo safkiisa weerarka.

Si kasta, madaxa Dortumund Hans-Joachim Watzke ayaa carrabka ku adkeeyay toddobaadkan in kooxda reer Jarmal aysan iibin doonin laacibka.

Manchester United ayaa diidan inay bixiso £110m oo ah dalabka lacageed ee cayaaryahanka kooxda Borussia Dortmund Jadon Sancho.

Sancho ayaa si weyn loola xiriiriyay Man United oo ku qasban inay oggolaato lacag badan kaddib markii ay u soo gudubtay Champions League.

Si kasta, sida laga soo xigtay Duncan Castles of The Transfer Window Podcast, Dortmund ayaa ku dooneysa £100m cayaaryahanka 20 jirka ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan