Home / Cayaaro / Liverpool oo u weecatay laacib ka ciyaara dalka Austria

Liverpool oo u weecatay laacib ka ciyaara dalka Austria

Himilo FM – Kooxda Liverpool ayaa la soo warinayaa inay xiiseyneyso  saxiixa Red Bull Salzburg weerarka ugu ciyaara ee Munas Dabbur.

26 jirkan ayaa ku biiray Salzburg isaga oo ka soo dhaqaaqay  Grasshopper 2016, waxa uu dhaliyay 55 gool 110 kulan oo uu ka soo muuqday dhammaan tartamada.

Xilli ciyaareedkan, weeraryahanka ayaa diiwaan geliyay 20 gool 30 kulan oo uu dheelay oo ay ku jiraan lix gool oo uu ka dhaliyay kulamada Europa League.

Sida ay werisay Estadio Deportivo, Liverpool ayaa dooneysa inay la saxiixato Dabbur bishan, xiddiga heerka caalami ee Israel ayaa doonaya in uu ka hayaamo Salzburg  bishan Janaayo oo uu furan yahay daaqadda kala iibsiga.

Si kastaba, warbixino ayaa sheegaya in kooxaha Valencia and Fulham ay qeyb ka yihiin xiisaha xiddigan .

Dabbur waxa uu dhaliyay 22 gool xilli ciyaaredkii tagay isaga oo Salzburg ku dhiiri geliyay ku guuleysiga horyaalka Austrian Bundesliga.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan