Home / Cayaaro / Liverpool oo wadahadal la furtay weeraryahan katirsan Lille

Liverpool oo wadahadal la furtay weeraryahan katirsan Lille

Himilo -Weeraryahanka Lille Nicolas Pepe ayaa wadahadalo la yeeshay Liverpool, sida laga soo xigtay madaxweynaha kooxda horyaalka Ligue 1 Gerard Lopez.

Pepe oo 24 jir ah ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxda heysata Champions League ka dib markii uu ku riyaaqay xilli ciyaareedkii 2018-19, isagoo dhaliyay 23 gool 41 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Lopez ayaa xaqiijiyay in ciyaaryahanka reer Ivory Coast uu la hadlay kooxda Premier League ka dhisan, kuwaas oo aan weli la xiriirin Lille.

“Waan ogahay inay wadahadal la galeen ciyaaryahanka, ma ahan inaga koox ahaan,” ayuu u sheegay RMC Sport .

“Liverpool waxay heysataa ciyaartoyda boosaskaas, waan akhriyay taas waxaa laga yaabaa inay jireen ciyaartoy ka tagaya, ama aan ka tagayn.”

Lopez ayaa shaaca ka qaaday in Lille ay heshay labo dalab oo laga keenay  Pepe ka hor koobka qaramada Afrika, Ivory Coast ayaana  u soo baxay wareega 16-ka, laakiin waxay doorteen inay sugaan illaa dhammaadka tartankan oo uu ka qeyb galayo xiddigooda.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan