Home / Cayaaro / Liverpool oo xiiseynaysa Ismaila Sarr

Liverpool oo xiiseynaysa Ismaila Sarr

Himilo – Cayaaryahanka Watford  Ismaila Sarr ayaa la rumeysan yahay in uu bartilmaameed u yahay kooxda tababare Jurgen Klopp kahor suuq furanka xagaaga.

Sarr oo Watford kaga soo biiray Rennes adduun dhan £30m sannadkii hore ayaa dhaliyay shan gool isaga oo caawiyay seddex kale.

Labo kamid ah goolasha waxa uu ka dhaliyay kulanka kooxdiisa iyo Liverpool. Sida laga soo xigtay The Mirror, 22 jirka ayaa soo jiiday Klopp.

Warbixinnada ayaa tilmaamaya in Loverpool si dhaw ula socoto xaaladda laacibka reer Senegal oo ay dooneyso inay u dhaqaaqdo dhammaadka xilli cayaareedkan.

Sarr ayaa loo arkaa in uu yahay beddal ka jaban qiimo ahaan weeraryahanka Borussia Dortmund Jadon Sancho kaasi oo lagu qiimeeyay £100m

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan