Home / Cayaaro / LIX Ciyaartoy Oo Liverpool Ka Maqnaanaya Kulanka Manchester United ee manta.

LIX Ciyaartoy Oo Liverpool Ka Maqnaanaya Kulanka Manchester United ee manta.

Himilo-Kooxda kubadda cagta Liverpool ma haysato walaaca dhaawacyo cusub, laakiin waxay la daalaa-dhacayaan oo ay tebayaan dersin ciyaartooyo hore uga maqnaa oo aan usoo laabanin, kuwaas oo uu ugu dambeeyey Joel Matip oo ay uga dhamaatay Reds maadaama uu dhaawac ku maqnaanayo illaa bisha June oo ah waqtiga uu dhacayo qandaraaskiisa Liverpool.

Liverpool oo Khamiistii guul-darro kala soo kulantay kooxda reer Belgium ee Union Saint-Gilloise oo uu tababare Jurgen Klopp la ciyaarsiiyey laacibiin da’yar u badan, isla markaana nasiyey Mohamed Salah, Virgil van Dijk, Trent Alexander-Arnold iyo Alisson Becker oo uu kaga tegay Kirkby ayaa dhamaantood dib ugu soo laaban doona ciyaarta Man United iyaga oo soo nastay.

Laakiin lix ciyaartoy oo uu ku jiro Joel Matip oo qaarkood muddo dheer dhaawacyo ku maqnaayeen ayaa ka maqnaanaya Liverpool ciyaarta ay Axadda garoonka Anfield ku martigelinayaan Manchester United.

Thiago Alcantara oo lagu sawiray garoonka tababarka ee Axa Training Center ama Kirkby toddobaadkii hore oo Mohamed Salah uu ugu dabbaal-degayay goolkiisii 200aad ee uu u dhaliyey Liverpool, ayaan wali kusoo laaanin tababarka buuxa, waxaana garoomada ugu dambaysay ciyaartii West Ham ee bishii April ee xilli-ciyaareedkii hore.

Waxa kale oo wali maqan da’yarka Stefan Bajcetic oo la filayo in bilaha hore ee sannadka dambe ee 2024 uu dib ugu soo laabto tababarka, halka Andy Robertson la qorsheeyey in horraanta bisha February lagu soo dhoweeyo Anfield kaddib qalliin lagaga sameeyey garabka.

Diogo Jota iyo Alexis Mac Allister ayaa iyaguna ka maqan ciyaarta Man United, inkasta oo uu tababare Jurgen Klopp niyad-samaan ka muujiyey in Mac Allister uu soo laaban doono usbuucyada soo socda.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan