Home / Dhaqaale / Lo’ laga keenay Yurub oo caanaheeda lagu iibiyo Muqdisho!
A worker prepares to package a milk from Holstein Friesian cows into retail sachets at the Som milk farm in the outskirts of Mogadishu, Somalia August 1, 2018. REUTERS/Feisal Omar

Lo’ laga keenay Yurub oo caanaheeda lagu iibiyo Muqdisho!

Himilo FM – In wax la hindiso waxaa ka horreysa inay jirto baahi loo qabo waxa la rabo in lagu soo kordhiyo bulshadda, taas oo u baahan fikir qoto dheer iyo baaritaan xooggan.

Ma’aha wax fudud inaad hesho fikrad hirgaleysa illaa wakhti iyo baaritaan aad ku bixisid, Dadka wax hindisa waxay shiileen maskaxdooda si ay u helaan fursadaha il ma aragtada ah hase ahaatee u baahan in maskaxdu aragto.

Dal waliba waxa uu leeyahay hal abuurayaal wax ku soo kordhiya bulshadooda iyo waliba guud ahaan dunida, Soomaaliya waxa isa soo tarayay fikradaha wax ku oolka ah oo ay soo kordhinayaan dad shiilay maankooda.

Mid ka mida fikradaha dhawaan dhaladka ah waa Lo’ asalkeeda dalka Holland laga keenay, oo muuqaal ahaan ka duwan kuwa aan dhaqanno.

Waxaa kale oo aan ku arkay xerada ay ku jirtay lo’daasi weylo gacan rimis lagu dhaliyay, kuwaas oo xajmi ahaan ka weyn dhalka lo’da aan dhaqano.

Waxa lagu xanaaneeyaa deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho iyadoo ay dalka keentay shirkada Som Milk.

Hirgalinta fikradan waxay qaadatay muddo dheer, taas oo uu ku taamayay hindisaha aragtidan leh balse dhawaan ayay u rumowday wixii in muddo maankiisa ka guuxayay.

Saca ugu caanaha yar waxa laga lisaa tobban liter, taas oo kuu muujineysa in xadi aad u fara badan oo caano ah laga liso lo’daas.

Mudada dheer oo ay qaadaneyso in laga liso caanaha lo’daas waxa kale oo lagu fududeyaa mashiino loogu tala galay lisida caanaha.

‘‘Muddo ayaan ka shaqeynayay wax lisida, hadda halkan ayan fursad ka helay, labo qaab ayaana wax u lisnaa; in mashiin u gaar ah lagu liso ama in aan annaga lisno,” ayuu yiri Bashiir Maxamed oo kamid ah shaqaalaha lisa caanaha lo’.

Lo’dan oo dal cimilo ahaan ka duwan Soomaaliya laga keenay ayay ku adkaatay inay la qabsato jawiga dalka taas noqotay caqabadii ugu horreysay.

Waxyaabaha kale oo ay lo’dan hesho waxaa ka mid ah taqaatiir u gaar ah kuwaas oo la socda si aysan ugu nuglaanin cudurrada xoolaha ku dhaca.


Maxamed Qadar Cabdi

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan