Home / Habka-Nolosha / Lo’da Lady Gaga ee ugu quruxda badneyd Jarmalka oo naf baxday

Lo’da Lady Gaga ee ugu quruxda badneyd Jarmalka oo naf baxday

Himilo- Henk Wille oo ah ninka lahaa lo’da ugu quruxda badan Jarmalka ayaa xaqiijiyay inay naf baxday Lady Gaga sida ay qortay warbaahinta dalkaasi.

Wakaalada wararka Jarmalka ayaa daabacday in lo’da Lady Gaga ku naf baxday magaalada Essen iyada oo 13 sanno jir ah.

Mr Henk ayaa sheegay in uusan heyn erayo uu ku cabbiro degganaanta iyo astaamaha gaarka ah ee lo’da ka naf baxday.

Waxa uu xusay in keliya hal mar la arko nuuca lo’da Lady Gaga nolosha oo dhan sida laga soo xigtay wakaalada dpa.

Lo’da Lady Gaga ayaa ku guuleysaneysay tartanka quruxda tan iyo sannadkii 2013-ka sida uu caddeeyay Henk Wille.

Waxay dhashay 8 Weylo iyada oo laga lisay 120 kun Liter oo caano ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan