Himilo FM –Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Ruben Loftus-Cheek ayaa laga yaabaa inuu seego finalka Europa League ka dib markii uu dhaawac anqowga ka soo gaaray intii ay socotay ciyaartii saaxiibtinimo ee USA.
23 jirkan ayaa anqowga biddix ka dhaawacmay qeybtii hore kulankii ay Chelsea 3-0 kaga badisay New England Revolution ee ka dhacay garoonka Gillette Stadium.
Ross Barkley ayaa Laba gool dhaliyay halka kan kalana uu raaciyay Olivier Giroud qeybtii hore ee kulankaas.
Chelsea ayaa wajihi doonta Arsenal finalka ka qabsoomaya Baku Arbacada, 29-ka May Tartanka Europa League.
Loftus-Cheek ayaa dhaliyay gool Lugtii labaad ee Blues ‘Europa League semi-final-ka, waxaana si toos ah uu ugu lug lahaa sagaal gool 15-kii kulan ee ugu danbeysay ee uu u saftay Chelsea.
kulankii Arbacada ee saaxiibtinimo ayaa £ 3.1m oo u dhiganta ($ 4m) laga soo aruuriyay si loogu tabaruco ururada la dagaalama dambiyada neceybka.
Ka hor ciyaarta, tababaraha Chelsea Maurizio Sarri ayaa muujiyay walaaciisa ku aadan inuu u safrayo Mareykanka si uu ugu dhawaado finalka Europe League.