Home / Cayaaro / Loftus-Cheek “Safka Chelsea waxay aqbaleen raali gelinta Kepa Arrizabalaga.”

Loftus-Cheek “Safka Chelsea waxay aqbaleen raali gelinta Kepa Arrizabalaga.”

Himilo FM –Ruben Loftus-Cheek ayaa sheegay in  Chelsea ay dooneyso inay  horay  u dhaqaaqdo kaddib markii Kepa Arrizabalaga uu diiday in la bedelo finalkii EFL Cup.

Arrizabalaga ayaa laga ganaaxay mushaarka toddobaad, waxaana laga saaray kulankii  Tottenham Hotspur kaddib markii uu diiday in uu ka baxo garoonka ciyaartii ay la ciyaareenManchester City

Ciyaaryahanka reer Spain ayaa tan iyo markii uu raali gelin siiyay ciyaartoyda koowaad ee kooxda  waxaa ka hadlayay ciyaartoyda Chelsea, laacibka Loftus-Cheek ayaa qiray in goolhayaha uu aqbalay in uu bixiyo raali gelin..

Loftus-Cheek ayaa u sheegay Sky Sports News “Tababaraha ayaa si cad u doonayay inuu muujiyo ixtiraamka ciyaartoydiisa, waxaana uu si cad u sheegay in Willy Caballero uu wax badan muujiyay  kulankii Tottenham.”

“Kepa daacad ayuu inoo ahaa, dhammaanteen waa uu na raali geliyay dhammaadkii ciyaarta, dhammaanteen waan aqbalay raali gelinta, waxaan u maleynayaa inuu jiray khalad, waan aqbalay, waan qabaa inay aad muhiim u tahay in si deg deg ah uga gudubno. “

Arrizabalaga ayaa dib ugu soo laabtay kooxda kulankii axadda ee Derby London oo ay la ciyaareen Fulham waxaana Blues uu ka caawiyay inay 2-1 ku badiso.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan