Home / Cayaaro / Lovren oo seegay tababarka kulanka Champions League ee Bayern Munich

Lovren oo seegay tababarka kulanka Champions League ee Bayern Munich

Himilo FM –Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in uu ka maqnaan doono Dejan Lovren lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League kulanka ay wajahayaan Bayern Munich.

Reds ayaa talaadada  ku marti qaadi doonta Anfield naadiga horyaalnimada Jarmalka iyadoo Virgil van Dijk iyo Joe Gomez ay ganaax ku maqan yihiin.

Lovren ayaa sidoo kale loo tixgeliyay in uu shaki weyn ku jiro kulankan, madaama uu dhaawac cajirka ah kasoo gaaray kulankii FA Cup ay qasaarada kala kulmeen Wolverhampton Wanderers 7-dii Janaayo isagoo seegay shantii kulan ee ugu danbeysay.

The Mirror ayaa sheegeysa in xiddiga heerka caalami ee dalka Croatia uusan weli tababar la qaadanin saaxiibbadiisa inkastoo dhaawaca soo gaaray uusan halis gelin doonin Jurgen Klopp kulanka bartamaha isbuuca.

Joel Matip ayaa qarka u saaran inuu ku soo billowdo daafaca dhexe ee kulanka Bayern, iyadoo Fabinho uu kula midoobayo daafaca dhexe.

Naadiga Bayern waxaa ka maqnaan doona ciyaaryahan muhiim ah Talaadada, iyadoo weeraryahanka Jarmalka Thomas Muller uu ganaax ku seegi doono labada lugood.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan