Himilo- Dalka Lebanon, waxaa baraha bulshada qabsaday sheekada haweenay ka dawarsata wadooyinka oo la oggaaday inay tahay Milyaneer. Tani waxay noqotay xaaladii labaad ee nuucaan ah oo laga diiwaan geliyo dalkaasi.
Haweenayda oo magaceeda lagu sheegay Alxaaja Wafaa Maxamed ayaa caan ka ah koonfurta Lebonan oo ay ka dawarsan jirtay. Waxaa la tilmaamay in 900 kun oo Doolar inay dhigatay bankiga Jamal Trust Bank.
Dadka adeegsada baraha bulshada ayaa faafiyay sawirrada jeeg banki oo ku taariikheysan 30-ka September 2019, islamarkaana muujinaya in Alxaaja Wafaa kala baxday lacagta bankiga Jamal Trust iyadoo u wareejisay banki kale.
Haweenayda ayaa caan ka ahayd magaalada Siidaa iyadoo dadka u arkayeen qof sabool ah oo halgan ugu jirta nolol-maalmeedkeeda laakiin xeritaanka bankiga Jamal Trust ayaa soo saaray sheekada ku saabsan.
Waxaa xusid mudan in sheekadan noqonayso tii labaad ee nuuceeda ah oo laga diiwaan geliyo Lebonan. Magaalada Beirut ayaa mar lagu arkay haweenay dawarsata balse noqotay Milyaneer.