Home / Cayaaro / Lucas Torreira oo shaaciyay in uu ka tagayo Arsenal

Lucas Torreira oo shaaciyay in uu ka tagayo Arsenal

Himilo – Cayaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Lucas Torreira ayaa qiray in uu ka tagayo kooxdiisa ka dhisan Waqooyiga London kaddib xilli cayaareed wareer badan oo ku qaatay 2019-20.

24 jirka ayaa noqday cayaaryahan ay xiiseeyaan taageerayaasha bilihii ugu horreeyay ee garoonka Emirates Stadium ol-olihii 2018-19 laakiin Torreira ayaa ku guuldareystay in uu sameeyo saameyn weyn.

Tan iyo markii uu yimid kooxda Mikel Arteta,  Granit Xhaka iyo Dani Ceballos ayaa loo doorbidday khadka dhexe ee kooxda. Torreira ayaa lala xiriiriyay kooxda horyaalka Talyaaniga ee AC Milan toddobaadyadii ugu danbeeyay.

Cayaaryahankii hore ee Sampdoria ayaa sheegay in uusan sii joogeyn Arsenal sida laga soo xigtay wareysi uu siiyay raadiyaha Sport 980.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan